Dhaqdhaqaaqa ama Isku socodka (Mobilität)

Taraamyada, tareenada magaalada iyo Basaska waxaad si degdeg ah oo fudud ugu tagi kartaa qaybaha gaarka ah ee magaalada. Bogga hore ee Karlsruher Verkehrsverbund (KVV) www.kvv.de waxaad ka heli doontaa dhammaan macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan jadwallada khadadka gaarka ah, noocyada tigidhada ee kala duwan iyo ansaxnimadooda.

Waxaad isticmaali kartaa KVV.live app si aad u ogaato waxa ku saabsan Basaska iyo tareennada waqtiyada ay baxayaan.

Way fiicantahay in la ogaado: Karlsruhe waa magaalo ku fiican darawaliinta baaskiillada — waxaa jira wadooyin baaskiil ah oo ku xiga laamiga waddooyin badan.

Sidee ayaad u iibsan kartaa Tigidh?

Haddii aad raacdo Baska ama Tareenka hal mar ama dhif:

  • AVG-Stadtbahn ama VBK-Tram: Waxaad tigidh ka ka iibsan kartaa mishiinka saldhigga ama tareenka dhexdiisa . Inta badan waxaad ku bixin kartaa kaliya lacag caddaan ah.
  • Baska: Tigidhada Basaska waxaa laga iibsan karaa mishiinada ama darawalka Gaariga.
  • Waxa kale oo aad ka iibsan kartaa tigidhada iyo is-diiwaangelinta adigoo isticmaalaya bogga KVV tigidhada mobilada: https://www.kvv.de/fahrkarten/verkauf/online/kvvmobil.html
  • Tigidhka waxaa lagu shaabadeyaa  tareenka ama Basaska dhexdiisa.
  • Waxaad si degdeg ah oo fudud u soo dejisan kartaa KVV.mobil app adiga oo isticmaalaya casrigaaga. Tigidhada Basaska iyo tareenada si fudud ayaa looga jaran karaa akoonka abka.

Way fiican tahay in aad ogaato: Qiimaha tigidhkaagu wuxuu ku xiran yahay inta aad safrayso ama meesha aad u safrayso. Haddii aad  ku dhex Safrayso agagaarka magaalada Karlsruhe, waxaad u baahan tahay laba Waben Tigidhka loo yaqaan.

Talo: Haddii aad si joogto ah ugu safarto bas ama tareen, waxaa habboon in aad hesho kaarka billaha ah ama sannadlaha ah. Waxaa jira noocyo badan oo tigidhyo kala duwan. Carruurta, ardayda dugsiyada , ardayda Xirfadaha , ardayda Jaamacadaha ,  dadka ka weyn 65 sano iyo dadka shaqo doonka ah  kuwaas oo bixiya  lacag yar ama Qiimo dhimis loogu sameyaa Tigidhada.

Tusaale ahaan, waxaa jira tigidho gaar ah, tigidh kooxeed, tigidho gaar ah oo loogu talagalay ardayda dugsiga, ardayda xirfadaha iyo ardayda jaamacada , Tigidhada billaha ah, tigidhada sanadlaha ah ama tigidhada  shaqeeya kaliya laga bilaabo 9 subaxnimo. Weydiiso La talin  xarumaha macaamiisha ee KVV ee ku yaal afaafka hore ee saldhigga tareenka iyo suuqa suuqa (Karl-Friedrich-Straße 9)!