Sida Guryaha Loo raadiyo

Sidoo kale hadii aad guri raadinayso waxaad iska diiwangelinkartaa shirkadaha guryaha bixiya ee Magaaladan Karlsruhe

Shirkada ugu wayn ee horumarinta deegaanka ee Karlsruhe waa VOLKSWOHNUNG GmbH ee magaalada Karlsruhe: https://www.volkswohnung.com/startseite

Fiiro gaar ah: Sida Magaaloyinka waaweyn ee Wadankaan Jarmalka ay u adag tahay in aad Guri si dhaqso ah ku hesho, ayay Magaaladaan Karslruhe u adkaan kartaa in aad Guri Hesho. Fadlan waydii hadii aad Saaxiibo Leedahay ama Dariskaaga ama Qaraabo ama Asxaabta Shaqada hadii ay ogyihiin meel uu Guri ka banaan yahay.

Halkan Hoose waxaad ka fiirsan kartaa Magacyada la soo gaabiyo ee ay soo dhigaan Qolyaha guryaha Kireeya ama bixiya:

  • AB Altbau (Macnaheedu waa Guri duq ah)
  • B Xun macnaheedu waa Suuli
  • BLK Balkon (balkoon)
  • HT Haustier (Xayawaanka)
  • KM Kaltmiete (Kirooyinka aasaasiga ah)
  • Kt. Kaution (Deposit)
  • mbl. möbliert (Qalab)
  • mtl monatlich (bishii)
  • NB Neubau (dhisme cusub)
  • NK Nebenkosten (Kharashaadka tamarta)
  • NR Nichtraucher (aan sigaar cabin)
  • P/PP Parkplatz (Meecada baarkinka)
  • Whg Wohnung (Aqal)
  • WM Warmmiete (Kirooyinka ay ku jiraan kharashyada tamarta)
  • Zi. Zimmer (Qollal)
  • ZKB Zimmer Küche Bad (Qol + jikada + musqusha)
  • ZKD Zimmer Küche Dusche (Qol + jikada + qubeyska)

Fiiro gaar: Waxyaabaha aad u baahantay in aad sii qaatado markii aad hesho Casuumad guri fiirsasho  . waxaad u baahantay in aad sii qaadato Aqoonsigaaga qofka oo kobiraysan . waxaad kaloo u baahanty tahay in aad sii qaadato warqada cadaynaysa in aad shqayso ama heshiiska shaqada ee uu ku siiyay qofka aad u shaqayso ee loo yaqaan (Arbeitsvertrag). Intaas oo dhan waxaa u baahan qofka guriga Kiraynaya.

Waxaa Maxay Lacagta Rahamada ee la bixiyo markii aad Guri Hesho inta aadan usoo gurin Gurigaas ee Loo yaqaan (Kaution). Inta badan dadka Guryaha Kireeya ayaa lacagtaan waydiiya dadka ay Guriga ka Kiraynayaan inta aysan usoo guurin ama Guriga soo degin ka hor. Waa Lacag gaaraysa ugu yaraan labo jibaar ama saddex Jibaar Kirada guriga. Lacagtaan dib ayaa laguu siinayaa, markii aad Guriga Ka guurayso, hadii aadan Alaabta Guriga aadan wax ka Jabin am aka halayn.

Waxaa kaloo muhiim ah:  hadii aad Guri cusub usoo guurto in aad Magaca meesha Boostada waraaqaha aad ku qortid iyo albaabka meesha laga soo garaaco si dadka ku soo booqonaya u arkaan.

This page was last updated: 2024-03-27 11:57:31