Iska diiwangelinta shirkada Koronta (Strom anmelden):

Waxa waajib ah hadii aad Guri cusub usoo guurtay in aad isk diiwangeliso Qolyaha Korontada iyo Gaaska. Waxaad iska diiwangelinkrat Shirkada Korontada ee Magaaladan Karlsruhe ee loo yaqaan (Karlsruhe Stadtwerken) ama kuwa kale ee Korontada bixiya. Waxaa inta badan Wanaagsan in aad Lacagta bilaha ee Korontada aad u sheegto Shirkada Korontada in ay Bilakasta ayagu Koontadada ka Jartaan si aadan u laawin lacag dirista bilkasta.

Shirkadahee ayaad Korontada ka helikartaa ama aad ka sooxiran kartaa:- 

Halkee?
Karlsruher Stadtwerke — Kundencenter
Cinwaanku Waa: Daxlanderstr 72
76185 Karlsruhe
+49 (0)721 599 0
https://www.stadtwerke-karlsruhe.de/

Xiliyada aad Xafiiskooda Wicikarto:
Isniinta ilaa Khamiista 07.30 ilaa  16.30
Jimcaha: 7.30 ilaa 15.00

Maxaa laga rabaa in aad wadato:

  • Cinwaanka Guriga aad dagantahy waa in aad wadato.
  • Waqtiga aad Guriga soo dagtay waa in aad taqaano.
  • Tirada namabrka Korontada ee Guriga.
  • Iyo sidoo kale Magaca qofka Guriga kaa kireeyay.

Maxay tahay lacagta Kirada Guriga mida dheeriga ka ah ee la bixiyo ee loo yaqaan (Nebenkosten).

Lacagta Kirada Guriga ee aad bixinayso waxay isugu jirtaa ama ka koobantahy, Lacagtii Kirada ee Guriga iyo midaan dheeriga ka ah ee sida Biyaha, Korontada  iyo Gaaska Guriga lagu bixinayo. Isku darka labaad ayaa samaynayaa dhamaan Kirada Guriga ee Guud ahaan.

Lacagta Kirada Guriga Barbar socota ee loo yaqaan (Nebenkosten) waxay isugu jirtaa Lacagta Biyaha guriga, Tan Korontada ama Gaaska iyo Lacagta Qashin qaadista Guriga.

Hubso oo Waydii Qofka Guriga kaa Kireeyay Hadii lacagta Kirada Guriga ay Ku jiraan Mida Biyaha iyo Korontada isla markana dhamaan aad iska ku bixinayso. Waxaa dhacda mararka qaar in Korontada Guriga ay Khasab tahay in adigu soo xirato isna soodiiwangeliso shirkada Korontada isla markaana aad shirkadaas Lacagta ku bxiso.