Booqashooyinka Dhakhtarka

Haddii aad jirran tahay, marka hore waxaad u tagtaa dhakhtar ku takhasusay daawaynta guud, oo mararka qaarkood loo yaqaan dhakhtarka qoyska (Hausarzt). Carruurta, waxaad u tagi kartaa takhtar ku takhasusay daawada carruurta iyo dhalinyarada, dhakhtarka carruurta.
Ciwaanka dhakhaatiirta waxaad ka heli kartaa buuga taleefoonka ama internetka. Isticmaal ama fiiri linkigaan hoose  si aad u ogaato dhakhaatiirta aagaaga  ee ku hadla luqado kala duwan: https://arztsuche.kbv.de/

Hadii aad daawayn gaar ah u baahan tahay, waxa aad raadsanaysaa ama u tagi kartaa dhakhtar takhasus leh ama waxaad tagi kartaa  Isbitaalka. Dhakhtarkaga Guriga ayaa ku siinaya cadayn aad ula Tagi karto Dhakharka Takhasuska.

Mararka qaar waxa aad toos ugi Tagi kartaa markii aad Daaweyn gaar ah u baahan tahay Dhakhtarka Takhasuska u leh. Waxase dhacda in mararka qaar ay ku waydiiyaan in aad soo martay dhakharkaga guriga (Hausarzt).

Tani waa turjuma toos ah Waan ka cudur daaranaynaa haddii la helo erayo khaldan ama aan habboonayn.