Sida loo Codsado ama la isaga Diiwaangeliyo Guryaha dadwaynaha

Dadka aan Wadanka aan Jarmalka lacag badan ku shaqaynin ama aysan soo galin waxa ay kiraysan karaan Guryaha loo yaqaan Guryaha dadwaynaha. Hadii aad doonaysid Guryahaan oo kale in aad Kirayso waxa aad u baahan tahay Warqad ogalaansho ah.

Xagee ayaad kala xiriiri kartaa:
Waxaad aad Balan ka samaysan kartaa telefoon ahaan nambarkaan hoose: 0721 133‑6427

Xagee ayay dagan yihiin ama Cinwaankooda hadii aad booqankaro:
Liegenschafsamt
Lammstraße 7a, Rathauspassage
76133 Karlsruhe


Maxaa muhiim ah in aad sii qaadato?

  • Basaboorkaga ama aqoonsigaaga qofka
  • Wax aqooonsi ah oo kale hadii aad Wadato oo dhalasho ah ee qof ka yimid wadan aan ahayn Wadamada EU ama Yurub.
  • Cadaynta Lacagta aad ku shaqayso bishii ama hadii aad Soshiyalka ku jirto sida Jobsentarka.
  • Heshiiska Kirada Guriga aad Dagan tahay.

Maxaa Lagu siinaya ama aad Helaysaaa?

  • Waxaa lagu siinayaa Ogalaansho ama Warqad xaqaq ku siinayso in aad Guryahaan oo kale aad dagi karto ama aad kiraysankarto.