Isdiiwaangelinta  Magaaalada

Isdiwaangelintu waa Khasab:-  Wadankaan Garmalka  Waxa a sharcigiisa  qorayaa  in qofka Magaalo cusub uguura ay khasab ku tahay in uu isdiwaangeliyo, sidoo kale kan magaalo uu deganaa ka guura isna ay waajib ku tahay in uu sheego in uu halkaas ka guuray.

Sidaa darteed waa Khasab in qofku waqtiga loogu talagalay uu isku daawangeliyo. Qofkii ka  dib dhaca Waqtigaas loogu talagalay waxa uu la kulmikaraa ganaax lacageed.

Maxaa  la iiga baahanyahay markii  aan Magaalada iska diiwangelinayo?

  • Basaboor ama ID-card-ka (aqoonsiga qofka).
  • Basaboor wadan kale hadii uu qofku wato.
  • Aqoonsiga ama ID-ka qofka. (hadii aad hayso).
  • Warqada cadaynta ee qofka guriga kaa kireeyay kusiiyay. Ama (Heshiiska guriga)

Fiiro gaar ah: Markii aad Magaalada aad soo dagtay iska diiwaangeliso , waxaa lagu siinayo warqad Cadaynaysa in aad Magaaladaas aad Ka diiwangashantahay, waa in aad Warqadaas meel fiican ku Xafidaa.

Isdiiwangelinta:-  Qofkii Wadankaan Garmalka  Guri cusub usoo gura ama Magaalo kale waxaa waajib ku ah in Mudo Labo asbuuc gudahood uu iska diiwangeliyo Magaaladaas uu usoo guuray ama gurigaas cusub.

Waxa uu Qofku iska diiwangelinkaraa Xafiiska Dadweynaha ee Magaaladaas ee Afka Garmalka lagu yiraahdo  (Bürgerbüro).

Isdiiwangelinta: Qofkii Wadankaan Garmalka  Guri cusub usoo gura ama Magaalo kale waxaa waajib ku ah in Mudo Labo asbuuc gudahood uu iska diiwangeliyo Magaaladaas uu usoo guuray ama gurigaas cusub.

Waxa uu Qofku iska diiwangelinkaraa Xafiiska Dadweynaha ee Magaaladaas ee Afka Garmalka lagu yiraahdo (Bürgerbüro).

Magaaladaan Karlsruhe waxaad iskdiiwangelinkartaa Cinwaankan hoos ku qoran, hadii aad Magaaladan Ku cusub tahay am Meshii aad deganayd aad ka guurtay oo aad meel kale oo Magaalada ka mid ah aad uguurtay.

https://www.karlsruhe.de/b4/buergerdienste/persoenlicher_service .

Balan ka qabsashada Xafiiska Dadweynaha:-  Waa Muhiim in aad Balan Kasamaysato Xafiiska Dadwaynaha inta aadan iska tagin Balan la,aan. Waxad kala xiriiri kartaa Telefoonkan hoose si aad Balan uga samaysato iskuna diiwaangeliso. ( 115)  ama riix linkigaan hoose si aad wabsaydka Xafiiska Dadweynaha Karlsruhe isaga diiwaangeliso:

https://www.karlsruhe.de/b4/buergerdienste/terminvereinbarung/