Diiwaangelinta dugsiyada

Way fiicantahay in la ogaado: Sida caadiga ah, carruurta da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 10 sano waxay aadaan dugsiga hoose,  ka dibna dugsiga sare. Karlsruhe waxaa ku yaal afar nooc oo dugsi sare ah (10–19 sano): Dugsiga sare , dugsiga bulshada iyo naxwaha. Dugsiga sare ka dib waxaad aadi kartaa dugsi barsahada xirfadaha ama waxad aadi kartaa Jaamacad.

Waa maxay macnaha shahaadooyinka waxbarasho ee kala duwan?
Waxaa jira shahaadooyin dugsi oo kala duwan. Markasta oo ay sareeyso shahaado ka bixitaan dugsi, ayaa fursadaha badan ee aad haysato marka aad dooranayso shaqo. Laakin waa in aad iskuulka aado waqti dheer. Shahaadada dugsiga hoose (fasalka 9‑aad ka dib) ama shahaado dugsi dhexe (fasalka 10aad ka dib) waxaad ku qaadan kartaa tababar xirfadeed. Waxaad u baahan tahay Abitur ama shahaadada gelitaanka jaamacadda (ka dib fasalka 12aad ama 13aad) si aad wax uga barato jaamacad. Qalinjabin kasta ka dib, qofku wuxuu u gudbi karaa inuu helo shahaadada sare. Xitaa haddii aad ka baxday dugsiga, waxaad dib ugu celin kartaa dugsiga si aad shahaadada u qaadato. Tusaale ahaan dugsiga farsamada gacanta. Baden Württemberg Education Navi waxay tusinaysaa fursadaha waxayna sharraxaysaa noocyada kala duwan ee dugsiyada: http://bildungsnavi-bw.de

Ilmahaygu kuma hadlo af Jarmal. Xagee ka aadi kartaa dugsiga?

Dugsiga hoose
Haddii ilmahaagu aanu weli ku hadlin Jarmalka, waxa uu geli karaa fasal diyaarinta ah. Dugsiga hoose, ee ilmahaagu dhigto waxay ku xidhan tahay meesha aad ku nooshahay. 

Waxaad Ilmahaaga toos uga diiwangelin kartaa Iskoolka. Ka samayso balan qaybta  xoghaynta  ee Iskoolka. Imow balantaada adiga oo wata ilmahaaga waqtiga lagu qabtay.

Dugsiga Sare:
Haddii ilmahaagu u dhexeeyo 11 iyo 15 sano oo aanu weli ku hadlin Jarmal, waxaad ka diwaangelin kartaa fasalka diyaarinta (Vorbereitungsklasse, VKL) ee dugsiga sare. Fadlan la xiriir mid ka mid ah labada goobood ee xiriirka hoose. Kadib cunugaada waxaa la geyn doonaa dugsi ku haboon.

Dugsiyada soo socda waa meelaha aad la xiriiri karto:

Gutenbergschule (GWRS)
Goethestraße 34
76135 Karlsruhe
info@gutenbergschulekarlsruhe.de
Tel.: +49 (0)721 (0) 133 ‑4674

Pestalozzischule (GWRS)
Christofstraße 23
76227 Karlsruhe
poststelle@pestalozzischule-ka.schule.bwl.de
Tel.: +49 (0)721 (0) 133 ‑4707

Dhalinyarada da, doodu ka bilabato 16 sano:
Dhallinyarada da’doodu tahay 16 jir waxay iska diiwaan gelin karaan fasalka diyaarinta ee dugsiga farsamada gacanta (VABO). Fasalada VABO, dhallinyaradu waxay ku qaadan karaan imtixaan Jarmal ah oo heerkoodu yahay A2 ilaa B1. 

Kadib fasalka diyaarinta (VABO) waxaa suurtogal ah in la diyaariyo shahaadada dugsiga sare ee Jarmalka. Shahaadooyin dugsi oo kala duwan ayaa laga heli karaa dugsiga farsamada gacanta.

Ilmahaygu waxa uu ku hadlaa Jarmal. Xagee iskuul ka aadi karaan?

Haddii ilmahaagu ku hadlo Jarmal oo uu dhigan karo dugsi caadi ah, waa suurtogal inaad si toos ah ula xiriirto dugsiga. Waxaa kula talin doona maamulka dugsiga. Liiska dugsiyada dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Karlsruhe waxaad ka heli kartaa halkan: www.karlsruhe.de/schulen

Talo: Karlsruhe waxa kale oo ay leedahay dugsiyo leh fasalo laba-luqadle ah iyo dugsi Yurubiya oo leh fasalo caadi ah oo Jarmal ah, Ingiriisi ama Faransiis ah.

Maxaan u Sii qaataa  si aan isu diiwaan geliyo?

  • shahaadada dhalashada ilmaha
  • baasaboorka ilmaha
  • Baasaboorkaaga
  • Warbixinnada dugsiga (haddii la heli karo) marka la diiwaan gelinayo dugsiga sare)
This page was last updated: 2023-05-30 12:30:05
Tani waa turjuma toos ah Waan ka cudur daaranaynaa haddii la helo erayo khaldan ama aan habboonayn.