Koorsada isdhexgalka

Koorsoyinka isdhexgelka waa Koorsoyin Luuqada wadankan lagu barnayo, kuwaas oo ka caawinaya dhexgelka bulshadaan jarmalka.

Koorsoyinka isdhexgelka waxa ay ka kooban yihiin ama aad ku baranaysaa Luuqada Jarmalka iyo waxyaalo kale oo muhiim ah oo ku saabsan Taarikhda,Siyaasada iyo Dhaqanka soo jireenka ah ee Wadankan.

Waa in aad booqata Koorsooyinkan isdhexgelka, hadii aadan si fiican u Aqoon Luuqada Jarmalka:

  • Hadii aad Magaaladan Karlsruhe aad ku cusub tahay, islamarkana aad ka timid Wadan aan ahayn Wadamada Yurubta, waxa aad Xaq u leedahay in aad Booqato Koorsooyinka Isdhexgelka.
  • Sidoo kale hadii aad Wax badan Ku Noolayd Wadankan Jarmalka ama aad ka timid Wadan kale oo Yurub ah, Waad Booqankartaa Kooryinkan, markii u Boos banan yahay.
  • Sidoo kale markii aad haysato dhalashada Wadankaan, balse aadaan Luuqada sifiican u Aqoon islamarkana aad doonayso in aad Isdhexgel ka samayso Wadankan. Waa lagu ogalaanaya Koorsoyinkan markii uu Boos banan yahay ama ay Boos banaan hayaan.

Macluumad kale oo ku Sabsan Koorsoyinkan waxad ka heli kartaa Linkigan hoose

Booqo ama Tag Meelaha laga Caawiyo Dadka Qaxootiga ma Xafiiska la Talinta Dadka Qaxootiga , Si ay Kala Taliyaan Meesha aad Luuqada ka bilaabi karto ama aad kala qabsan karto.

Wixii Su, aal ah ee Ku saabsan Barashada Luuqada Jarmalka iyo Koorsoyinka Isdhexgelka, Waxaad aad Waydiin kartaa Xafiiska Isdhexgelka qaabilsan.

Waxaad ka wicikartaa Telefoonkan: 0721 133‑5727 ama Waxad u qori  ama u diri kartaaa Emayl:  buero.fuer.integration@sjb.karlsruhe.de

Tani waa turjuma toos ah Waan ka cudur daaranaynaa haddii la helo erayo khaldan ama aan habboonayn.