Furashada Koontada Bankiga (Girokonto)

Jarmalka waxaad u baahan tahay xisaab bangi — gaar ahaan xisaab giro. Waxaad kirada ka wareejin kartaa akoonkan ama waxa lagu soo diri karaa   mushaharkaaga bishii  ama faa’iidooyinka kale ee xisaabtan. Waxaad ka furan kartaa bangiga ama bangiga kaydka ee aad doorato. Aan kugula talinno: bangiyada qaarkood waxay qaadaan khidmad xisaabeed (Kontoführungsgebühr)  oo bil kasta laga jarayo. Weydii inta ay le’eg tahay kharashka bilaha ee kaa Jaranayo Bankigu bishii ee loo yaqaan  dayactirka akoontiga ama koontada.

Maxaad sii qaanaysaa?

Si aad u furto akoontiga ama konto  bangiga, waxaad u baahan tahay kaarka aqoonsiga, baasaboorka ama ogolaanshahaaga joogitaanka wadankaan.

  • Talo: Fadlan ogow in laga yaabo in lagugu dalaco  lacag  hadii ad lacag kala baxdo  bangi aan kaga ahayn ama kale  . Waxaa fiican in aad   ogaato  bangiyada kale ee kuu ogolaanaya inaad lacag la baxdo iyada oo aan wax lacag ah laga jaranaynin ama lacag la’aan ah.
  • Haddii aad u guurto guri, fadlan u sheeg bangiga ciwaanka cusub.