La-talinta Waxbarashada

Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan diiwaangelinta dugsiga, nidaamka dugsiga iyo tababarka ama waxbarashada iyo dugsiga guud ahaan, waxaad aadi kartaa adeegga la-talinta waxbarashada.

Xafiiska Socdaalka
Xafiiska socdaalku (Arbeitsstelle) waa meesha lagala soo xidhiidho waalidiinta dalka u soo guuray ee ku jira Maamulka Waxbarashada ee Karlsruhe
http://schulamt-karlsruhe.de

Adeegga Socdaalka Dhallinyarada
Adeegga socdaalka dhalinyaradu (Jugendmigrationsdienst) waxa ay ka taageertaa dhalinyarada iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 27 jir barashada jarmalka, dugsiga iyo shaqada. Macluumaad dheeraad ah halkan: www.jugendmigrationsdienste.de/jmd/karlsruhe/

La talinta waxbarashada ee dhalinyarada soo Tahriibtay  iyo waalidkood
Mashruucu wuxuu bixiyaa taageerada luqadda Jarmalka ee carruurta dugsiyada hoose, koorsooyinka macluumaadka waalidka iyo la-talinta shakhsi ahaaneed.

Nambarka Telefonka aad ka wicilkarto: +49 (0)721 350 4169
IMaylkoda: jmd.karlsruhe@internationaler-bund.de
Wabsaydka ay Internedka ku leeyihiin: www.ib-baden.de/bildungsberatung-karlsruhe

Kor u qaadida beddelka shaqada dhalinyarada ee nidaamka waxbarashada

Mashruucan  wuxuu bixinayaa  casharo bilaash ah oo Jarmal ah (sidoo kale Ingiriisi haddii loo baahdo) dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 12 iyo 18.

Nambarka aad ka wicikarto: +49 (0)721 85019 841
Wabsaydka ay Intarnedka ku leeyihiin: www.internationaler-bund.de/angebot/5858

Talobixin waxbarasho/talo shaqo oo ka socota Hay’adda Shaqada ee Karlsruhe-Rastatt
La-talinta waxbarashadu waxay bixisaa taageero doorashada koorsada waxbarasho iyo xirfad, inta lagu jiro tababarka iyo bilowga nolosha xirfadeed.

Agentur für Arbeit Karlsruhe (Xafiiska shaqada ee Karlsruhe)
Adreska: Brauerstraße 10
76135 Karlsruhe
wixii Su,aalo ah ku saabsan La-talinta ka wac Nambarkan waana bilaash: 0800 4 555500 (lacag la’aan)
ama Intarnedka Waybsadkoda: www.arbeitsagentur.de/bildung/berufsberatung

BiMAQ talo waxbarasho: tababar iyo dugsi sare
Dhalinyarada, waalidiinta iyo xubnaha qoysku waxay ka waxaa loo samaynayaa adeega latalinta waxbarashada BIMAQ (Bildungsberatung) macluumaad iyo talo ku saabsan nidaamka dugsiga iyo tababarka, tababarka iyo dugsiyada sare. Talo iyo dhexdhexaadin waxay ku baxayaan  dhowr luqadood oo kala duwan.

AFB — Xafiiska shaqada gGmbH
Daimlerstraße 8
76185 Karlsruhe
https://www.afb-karlsruhe.de/de/jugendliche-schueler-azubis/bimaq.html
Nambarka aad ka wici karto: +49 (0)721 / 972 46–25 ama +49 (0)721 / 972 46–39

Barashada luqaddu waxay muhiim u tahay guusha waxbarasho ee ilmahaaga. Isuduwidda waxbarashada ee waxbarashada luqadda joogtada ah ayaa ka jawaabi doonta su’aalahaaga halkan hoose ayaad kala xiriiri kartaa hadii aad Su,aalo qabto: buero.fuer.integration@sjb.karlsruhe.de