Soo jeedin

Soo jeedin

La-talinta dadka waddaniga ah ee ka yimid Afrika

Isniin 10:00-14:00
Jimcaha 10:00-14:00

La-talinta dadka waddaniga ah ee ka yimid Afrika

Waxaanu Caawinaa Dadkayaga ku nool Magaalada Karlsruhe iyo agagaarkeeda iyo waliba Dadka kale ee Afrikada kasoo jeeda ee ku nool Karlsruhe.

Kaliya ma Caawino dadka Cusub ee waxaanu caawinaa dhamaan Dadka Somalida iyo Afrikaanka ah ama kuwii hore ha ahaadaan ama kuwa Cusub ha noqdaane.

Waxyaabaha aanu Bulshada u qabano waxaa ka mid ah:

  • Aufenthalt:Wixii su aalo ah oo ku saabsan dhanka Sharciga.
  • Familie: Reeraha kala maqan isku keenistooda.
  • Sprache: Sidii aan luqadda Barashadeeda uga Caawini laheen.
  • Arbeit: Codsiga Shaqo raadinta inaanu ka caawino, Araajidana aan u qornoiyo waliba Shahaadooynkiisii oo aanu Aqoonsi ugu Raadino.
  • Gesundheit: Arimaha la xiriira Caafimaadka(Sida inaan ka caawino Takhaatiirta in loo waco ama loo raaco ama Caymiska Caafimaadka Arimahiisa)
  • Kinder und Familie: Inaan Xanaano u Raadino Caruurta ama Dugsiyada iyo waliba Xirfad raadinta.
  • Finanzielles: Arimaha la xiriiro Lacagaha Caruurta lagu qaato, iyo Lacagaha kale ee Dowladdu dadka ku Caawiso.
  • Mobilität: Arimaha la Xiriiro Laysinada Baabuurta iyo sida lagu qaato ama Habka ugu sahlan ee qofku danahiisa ku gudan karo isagoo raacaayo Gaadiidka Dadwaynaha.
  • Freizeit: Howlaha Madadaalada ah ee Reeraha halkaan ku nool waqtiyada ay fasaxa yihiin iyo sida ugu wanaagsan oo ku heli karaan meel ay waqtiga ku qaataan.

La talinteenaan waa Lacag la aan. Waxaanu sidoo kale inala shaqeeyo Dad ku hadlo Luqado kala duwan, sida Eriteriyaanka ama Gambiyaanka ama Luqada Ingiriiska. Waxaanu kale oo aan aad uga shaqeenaa Arimaha Qoysaska, Dhibaatooyinka Dumarka iyo Tarbiyeenta Caruurta.

Waxaanu deganahay Xarunta IBZka, halkaasoo aanu la Talinteena waqtiyada hoos ku qoran ku sameeno.

Kooxda bartilmaameedka ah:
Dhacdadani waa bilaash
Herr Ahmed Abdi — Frau Liane Holl — Herr Yakuba Ceesay
ibz — Karlsruhe
Kaiserallee 12 d, 76133 Karlsruhe

Abaabulaha