Soo jeedin
Soo jeedin

Tababarida muhaajiriinta si ay u noqdaan caawiyayaasha daryeelka waayeelka

Tababarida muhaajiriinta si ay u noqdaan caawiyayaasha daryeelka waayeelka

Kaaliyeyaasha daryeela waayeelada waxay taageerayaan dhammaan hawlaha la xiriira daryeelka waayeelka. Waxay ka caawinayaan daryeelka, cuntada iyo hawlaha kale ee nolol maalmeedka. 

Samee tababar shaqo isla markaana baro afka Jarmalka.

Waxaad baran doontaa

  • luqadda Jarmalka
  • daryeelka waayeelada iyo dadka u baahan daryeelka ee guryaha waayeelada lagu haayo iyo isbitaallada ama guryahooda jooga.

Tababarkaan Shaqo faa’iidooyinkiisa

  • in ka badan 1.000 € guud ahaan bishii
  • dhamaadka Tababarka waxad heleysaa shahada afka jarmalka heerka B2.
  • 2 sano oo tababar ah dugsiga farsamada gacanta iyo xarunta kalkaalinta
  • Gaar ahaan dadka aan weli ku hadlin Jarmal badan

💡 Waxaad heli kartaa oggolaansho deggenaansho haddii aad rabto inaad ka shaqeyso shaqadii aad baratay kadib tababarka.

Waxa lagaaga baahanyahay

  • Aqoonta luqadda Jarmalka heerka A2
  • Waxaad jeceshahay la shaqaynta iyo la macaamilka dadka waayeelka ah ee u baahan caawimaad.
  • Inaad ku fiicantahay xifada xiriirka iyo la tacaamulka.
  • Kartida shaqo gacneed
  • Inaad Jir ahaan fir fircoon tahay xayina tahay.

👉 Hadda codso!

📎 Soo dejiso warqadda (flyer-ka)

Maxay tababarku ku siinayaa?

  • Waxaad heli doontaa shahaadada Hauptschule (haddii aadan weli haysan)
  • Waxaad gaari doontaa heerka luqadda Jarmalka B2
  • Waxaad heli doontaa fursad aad ugu gudubto tababarka daryeelka 3‑sano ah (generalistic care training)
  • Tababar dowladdu aqoonsan tahay
  • Diyaargarow loogu talagalay qaadashada jinsiyadda (Einbürgerung)
Kooxda bartilmaameedka ah: (muhaajiriinta )
Bixintani maaha mid bilaash ah

Abaabulaha

Macluumaadka dhacdadan waa la cusboonaysiiyay:  15. April 2026