La-talin waxbarasho oo loogu tala galay dhalinyarada soo galootiga ah iyo waalidiintood
Guusha waxbarasho ee iskuulka
La-talinta waxbarashada ee muhaajiriinta da’da yar iyo waalidkood waa mashruuc Internationaler Bund. Hadafka waa in la kordhiyo fursadaha waxbarasho ee ardayda, iyada oo loo marayo:
- Taageerada Afka Jarmalka ee Carruurta Dugsiga Hoose
- Koorasyada macluumaadka waalidka
- La-talin shaqsiyeed
Mashruucan waxaa laga bixiyaa dugsiyo kala duwan oo ku yaala Karlsruhe fasalada caadiga ah iyo sidoo kale fasalada diyaarinta carruurta cusub ee dalka ku soo haajirey. Intaa waxaa dheer, Internationaler Bund la-talintooda waxbarashadu waxay u arkaan hadafkooda ah in lagu xoojiyo waalidiinta waajibaadkooda waxbarasho si loo xaqiijiyo joogteynta cabbirka. Si taas loo gaaro, koorasyada macluumaadka siinta waalidiinta waxaa lagu qabtaa dugsiyada VKL, maalmaha la-tashiga waalidiinta waxaa lagu qabtaa fasallo caadi ah, waxaana kaloo labixiyaa la-talin gaar ah oo shaqsi shaqsi ah.
Waxaan ku hadalnaa luqado kala duwan sida Jarmal, Ruush, Roomaaniyaan, Boolish, Ingiriisi, Talyaani waxaanan diyaarinaa turjubaano ku hadla luqado kale markan la kulmeyno waalidiinta.
Wixii faah faahin dheeri ah waxaa ka heli kartaa halkan: www.internationaler-bund.de
Bixintani waa bilaash
Siemensallee 84 (Karlspark) / EG. room 2004, 76187 Karlsruhe
