13:00-16:00, kaliya ballan ka dib
PIAzA — Die Kümmerer
Isdhexgal guuleysta oo lagu gaaro waxbarasho xirfadeed
Mashruucan, dadka soo galootiga ah waxaa laga Taageerayaa, raadinta waxbarasho, qorista dukumentiga codsiga iyo diyaarinta wareysiga shaqada.
Shirkadaha iyo tababarayaasha waxaa lagula talin karaa ilaa lix bilood inta lagu jiro tababarkooda.
- Hadda, boosas shaqo-barasho oo badan — gaar ahaan kuwo xirfaddo sare ah— ayaa weli ah kuwo aan la buuxin inkastoo xirfadahaan yihiin kuwo mustaqbal iyo shaqo wanagsan leh.
- Isla markaana ay jiraan dhalinyaro badan oo soo galooti ah oo ku sugan Jarmalka — kuwaas oo aad u dhiiran rajo wanagsana kaleh iney Jarmalka sii joogaan.
Soo-galootiga da’da yar ayaa baahi dheeraad ah u qaba taageero iyo macluumaad marka ay raadinayaan tababar ku habboon.
Waxay u baahan yihiin macluumaad ku saabsan habka tababarka xirfadaha ee Jarmalka iyo noocyada kala duwan ee xirfadaha suurtagalka ah.
Waxaan kaa Taageerayaa…
- Macluumaadka nidaamka tababarka Jarmalka
- Raadinta tababar kugu habboon
- Ururinta dukumentiyada codsiga iyo isu diyaarinta waraysiyada shaqada
- Su’aalaha ku saabsan deganaanshaha iyo ballamaha maamulka
- Aqoonsiga shahaadooyinkaaga dugsiga sare
PIAzA — Die Kümmerer (Isku Dabaridaha)
PIAzA waa “mashruuc daryeele” oo qayb ka ah barnaamijka ” Is-dhexgalka Tababarka — Rajada muhaajiriinta ” ee Wasaaradda Dhaqaalaha, Shaqada iyo Dalxiiska ee Baden-Württemberg. Mashruuca PIAzA, dhalinyarada soo galootiga ah ee ka kala yimid dhammaan dugsiyada farsamada gacanta ee Karlsruhe ayaa lagu taageeraa raadinta iyo helista xirad shaqo ama tababar shaqo. Shirkadaha iyo ardaydu waxay heli karaan talooyin ku saabsan su’aalaha iyo dhibaatooyinka ilaa lix bilood ka dib markay bilaabaan tababarkooda.
📎 Flyer
Bixintani waa bilaash
Kaiserallee 12d, 76133 Karlsruhe
